Pages

Sunday, 2 November 2014



RAFASHADII DAMJADIID IYO SIYAASADDII SILLOONAYD
 
Marka dib loo eego habdhaqanka siyaasadeed ee madaxda ‪#Villa_Somalia ayaad arkaysa arkan iyo yaab isjiijiid siyaasadeed iyo rafasho silloon oo u dhaxaysa Madaxwaynaha iyo ra'iisul wasaaraha federaalka laga soo bilaabo dawladii carta ilaa dawlada damjadiid iyo madaxdii u dhaxaysaba labaduba isku haystaan salaaxiyaad labaduba dustuurka uqorayo lagana yaabo in laga baarandagay siyaasadanba qallafsan oo loogu talagalayba inay is qabsadaan oo ku raftaan siyaasada silloon oo ay soomaalidu ku dhaqanto oo saan u baranayna ugu dambayn khilaafkooda kala dul dhaca barlamaanka si uu kala saaro kee khaldan keena saxan haddase jeebka barlamaanku waa dheer oo dhegtuna ugaaska beeshay u toolmoon tahay oo codka waa hadba kuu ugaaska la jiro dhabtaasuna ay ka dhalato badanaaba in ra'iisul wasaaraha boqonaha la gooyo oo siyaasada looga dul boodo lknse marar baa jidhayda adna waa ila dagi oo kursiga ku daahimaysid AMIGO .
Dhab ahaantii siyaasada DAM JADIID maalmahan Haadu uma kicin oo tukuhu uma saqaafin illeen libaax bay guriga ku xaraysteene oo go'aan ku qaatayba in midmid ula kaco boqorradii dahsoona ee DAM JADIID wakii wasiir Guuleed ku khasbay inuu is casilo kadib goortuu u adkaysan waayay ammaankii baa faraha ka baxay oo dhagahiisu ogolaan wayday eedaynta kadib taasi haday hirgashay waatii sanbaloolshe asago laba bilood agaasima ah lala kacay isjiijiid dhinaca madaxwaynaha ka yimid ka dibna la ogolaaday in xilka laga qaado oo Tuuryare lagu badalo taasoo ah Ha I FIIRSAN RIFIDAADAN U HULLAABSADAY taasoo amagaag ku noqotay wasiir Faarax shiikh oo sugayay adna goormaa lagula kici oo seefta ra'iisul wasaarahu kula kaci oo Birqaab lagagu qaban taasuna waxay u xaqiiqawaday ra'iisul wasaaruhu markuu u jaysatay dhinacaas iyo puntland bal siduu ku soo xarayn laha oo dhinaciisa u xijisan laha bal mar hadii uu hullaabtay dagaalkii cuslaa iyo madaxii ugu dambeeyay ee Damjadiid sidii loo soo afjari laha.......
 Dhab ahantii raysalwasaruhu wuu u toolmoona mar uun in Damjadiid is qabandoonan oo xilkaan u qoonsandoonan markaasu ku dhaqmay HADDAAD II SOO XAMMAARANAYSO ANNA WAA KUU SOO XUSULDUUBAYA oo markii la doortayba u dhaqaaqay in uu qabiilada soomaalida xulufo ka doonta iyo ciidan uu kudagaal tago oo dalka ku kala baxshay safarro uu kutagayo deegaamo badan hadday tahay badhabo baladwayne marka dhuusamareeb kismaayo iyo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay puntland oo heshiis uu la soo galay bal si ay ula garab galaan dagaalka dahsoon uu ku qaadi doono Boqorrada Damjadiid oo ayagu laftigoodu ULO BOOCA UGU SOO TUKUBAYAY RW Cabdiwali oo uun sugayay bal kaliya dhagaxtuurka ugu horreeyay oo dhinacooda ku soo wajahan.
Si kastay ahaataba madaxwayne Xasan shiikh waa uu ku salalay isku shaandhayntii faarax gallaafatay ogaana seefta Raisulwasaaraha inay asaga ku maqantahay taasuna odayga waa u cuntamiwayday ogaana inuu cidla'a ku soo dhacayo haddu tan sii daayo oo uu noqon doono DIBIGII CASAA OO KALE OO KU HADAAQAY WAXA LA ICUNAY GOORTII DIBIGII CADDAA LA CUNAY ogowna in rafashada siyaasadeed lagu rifidoono oo looga rayndoona waana tii ku khasabtay in uu ku calaacalo WAR SAACIDKEENII MAXA NOOGU DIRAY OO GUGUMAHAANA GURIGA NOO GASHAY lknse waa goorma ma marey XERO IYO FANDHAAL KALADHACAYNABA waana ta ku khasabtay inuu ku cataabo oo af suuqiyana ku yiraahdo KALA SHAANDHAYNTII WAXKA JIRA MA JIRO....... Adduunow xaalka ba'a ma kana af madaxwayne meeqaamkiisana ma saasuu u hoos dhacay lknse ceeb maleh oo waa loo garaabi kara illeen NIN DAAD QAADAY XUNBO CUSKAY bay soomaalidu ku maahmaada.
 Afkuu madaxwaynuhu ku hadlay wuxu bilaw unoqday loolankii ugu dambeeyay oo albaabadiina u furay masaraxii isrifka siyaasadeed ee sillon waana sidu shacabku sugayay oo uu dhutinayay sida ay ku dambayso xalku iyo xarakada siyasadedna keba lo xiri doona oo jeebka barlamanka lacagta ka buxin dona oo ugasyadana qancindona.

WARKII JIRABA CAKAARUU IMAAN.