Aw jaamac cumar ciise oo dhab ahaantii ahaa halyay ciida hoosteeda maray oo uso halhamay in bal suugaantii soomaalida oo aan diiwaangashanayn in dabo qabto oo uu qoro hadana dabagalwayn ku sameeyay samata bixinta suugaantii labadii qarni ee nasoo dhaafay oo la dhahi karo haduusan u istaagin qorista iyo diiwaangalinta maansadii soomaaliyeed ay ciida hoosmar lahayd.
Dhab ahaantii waxuu ahaa halyaygii suugaanta soomaaliyeed gaar ahaana maansooyinkii ay kamid ahaayeen gabayada,geeraarada iyo waliba masafooyinkii oo ay caanka ku.ahaayeen culimadii soomaaliyeed oo u isticmaali jiray hanuununta soomaalidii hore.
Aw jaamac cumar ciise waxa lagu xasuusan doonaa diiwaanadii qiimaha badnaa oo ku soo bandhigay suugaantuu ururinjiray 50 sano waqti ku siman oo uu umaray ururintiisa dhib iyo rafaad u dhiganta dhaxalkuu nooga tagay.
Diiwaanadiisa waxa ugu muhiimsan haddana aysan kala dhacin:
1: diiwaanka GEELA ,FARDAHA IYO HAWEENKA : diiwaankaan oo ku soo aruuriyay gabayadii iyo geeraaradii ay soomaalidii hore ay u tirisay amaanta geela iyo fardaha iyo haweenkaba.
2, diiwaanka gabayadii sayid maxamed cabdulle xasan oo uu ku soo aruuriyay gabayadii, geeraaradii iyo masafooyinka sayid maxamed cabdulle xasan oo dhan 115 maanso.
3, diiwaankii taariikhdii daraawiishta
4, diiwaankii taariikhdii shiikh cali majeerteen.
Intaasu waa kutunbta aan Ka xasuusano diiwaanadii ku qoray kontonkii sano maansooyinkii iyo suugaantii uu aruurinayay waxana jira kutub badan oo fara badan oo uu qoray hslyaygii suugaanta soomaaliyeed aw jaamac cumar ciise.
No comments:
Post a Comment